Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya

Xasan Sheekh cashar haka barto qaladaadkiisa hore

Xasan Sheekh hadda waxaa horyaalla fursado badan oo ku sixi karo qaladaadkiisa hore, maadaama uu cashar ku filan ka helay, iyadoo hadii sidii hore ku laabto uu lamid noqon doono sida Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh cashar haka barto qaladaadkiisa hore

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, kadib guushii uu ka soo hoyey doorashada xilka ugu sareeya dalka. Xasan ayaa helay 214 cod, meesha Farmaajo uu helay 110.

Xasan waxuu dugsiyo hoose/dhexe iyo sare uga baxay magaaladii uu ku dhashay. Ka dib waxa uu u soo wareegay Muqdisho sannadkii 1978-kii, halkaas oo uu wax ka bartay Jaamacaddii Ummadda.

1981-kii, wuxuu ka qaatay shahaadada cilmiga tignoolajiyada.

Sannadkii 1986-kii, Xasan waxuu u socdaalay dalka Hindiya oo uu wax uga soo bartay Jaamacadda Bhopal (Barkatullah University). Halkaas oo uu 1988-kii ku dhammaystay waxbarashada mastarka.

Sannadkii 1999-kii, waxuu qeyb ka ahaa aas-aaskii Machadka Maamulka iyo Maareynta Soomaaliyeed (SIMAD), oo u koray Jaamacadda SIMAD hadda, iyadoo Xasan uu guddoomiye ka ahaa illaa 2010.

Xasan waxuu siyaasadda Soomaaliya ku soo biiray 2011, isagoo aasaasay xisbiga nabadda iyo horumarka ee PDP. Xubnaha PDP waxay si wada jir ah ugu doorteen inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga April 2011, isagoo loo igmaday inuu sii ahaado hoggaanka saddexda sano.

Bishii Ogosto 2012, Xasan waxaa loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ka sokow shaqada tacliinta, sidoo kale waa ganacsade.

10kii Sebtembar 2012, Xildhibaanada baarlamaankii 9aad waxay u doorteen Xasan Madaxweynaha Soomaaliya intii lagu jiray doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 2012-kii.

Intii uu xukunka hayay 2012-2017, waxaa jira qaladaad badan oo maamulkiisa galay, sida hantida qaranka, oo lacagta bangiga dhexe ku jirtay kamid tahay, oo la musuq-maasuqay iyo ragga la shaqeynayay ee Damu-Jadiidka oo u sed-buriyay. Kuwa ayaa malaayiin dollar ka sameeyay xukunkiisa.

Kooxda UN Monitoring Group ayaa heshay 2013 cadeymo dukumeenti ah oo muujinaya in shaqsiyaadka ku dhow Xasan Sheekh ay damceen in ay si gaar ah ula wareegaan hantida dibeda laga soo celiyay, taas oo ahayd in ay gasho Bankiga Dhexe.

Bishii Luulyo 2013 waxay kala saxiixdeen Dowladdii Xasan Sheekh iyo Sharikadda Sharciyaqaannada Mareykanka ee Shulman Rogers, taasoo u qaabilsanayd inay hantida dibadda uga xayiran usoo celiso Soomaaliya.

Musuq-maasuqa Kooxda Damu-Jadiid ee xukunka haysay ayaa horseedday in Yussur Abrar oo ahayd gudoomiyaha bangiga dhexe inay iska casisho xilka iyadoo magacaaban 7 Isbuuc oo kaliya.

Xasan Sheekh hadda waxaa horyaalla fursado badan oo ku sixi karo qaladaadkiisa hore, maadaama uu cashar ku filan ka helay, iyadoo hadii sidii hore ku laabto uu lamid noqon doono sida Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.