Xasan Sheekh oo sameeyay balanqaad cusub

Madaxweynaha ayaa hadda ku jira Gurigiisa, oo shaqada uu kawado kadib markii laga helay caabuqa Covid-19, waxyar kadib booqashadiisa Imaaraadka.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo sameeyay balanqaad cusub

MUQDIOSHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sameeyay balan-qaad kale, kadib markii Maanta Baalamaanka uu meel-mariyay magacaabista Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dawladdeenu waxay haysaa barnaamij siyaasadeed hammi leh oo ay ku doonayso inay ku horumariso amnigeena, xoojinta dhaqaalaheena iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee dadkeena," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay xiligan dalka inuu horey u socdo, oo la is-qabsado gacmaha, si looga mira-dhaliyo Soomaaliya oo heshiis ah, duninada heshiis la ah.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Ra'iisul Wasaare Xamza oo isna balan-qaadey inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh, oo awood u leh inay wax ka qabato baahiyaha shacabka iyo duruufaha dalka uu wajahayo.

Ma uusan tagin Xasan Sheekh Baarlamaanka, maadaama uu ku jiro karantiil, oo isaga is geliyay shalay kadib markii laga helay Covid-19, isagoo kasoo laabtay Imaaraadka Carabta.

Xamza Cabdi Barre oo 48 jir ah ayaa kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, waxayna xulufo iyo qaraabo yihiin Axmed Madoobe, oo Jubbaland xoog ku haystay tan iyo 2013, isagoo gabood-fallo ka gaystay Kismaayo, oo dilal iyo kufsi ka sameeyeen Malleeshiyaadkiisa Raaskambooni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.