Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu jebiyay Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa mudo 15 sano ah dagaal kawada Soomaaliya, iyadoo hadda u muuqata mid awoodeedii sii daciifayso, oo looga adkaanayo howlgalka militeri ee socda.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu jebiyay Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qaabka ugu suurta-gashay dowladdiisa inay guulo ka gaarto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay mar uu ka hadlayay Washington in militeri ahaan markii looga adkaan waayay Kooxda, uu Maamulkiisa kusoo kordhiyay labo jiho oo kala ah xagga fekerka iyo dhaqaalaha.

Dowladda ayaa qaadey tallaabooyin ay ku xirtay ilaha dhaqaalaha kasoo gala Al-Shabaab, waxayna billowday wacyi-gelinta bulshadda, si feker ahaan loogula dagaalamo kooxda.

Al-Shabaab waa sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la'aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa mudadii uu dalka hogaaminayay ka bartay casharro badan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo hadda istaraatiijiyadiisa ay shaqeysay, waxaana dowladdiisa baal-dahan ah ka galaysaa taariikhda xoreynta dalka, oo mudo 16 sano Al-Shabaab kala qoob-qoobtay.

Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go'aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegtay Aadan Yabaal, oo ahayd xarunta ugu weyn Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay 15 sano gacanta ku haysay Kooxda.

Aadan Yabaal oo 245-KM dhanka waqooyi Muqdisho uga beegan ayaa waxaa shalay booqday RW Xamza iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo tagey madaxtooyadii Al-Shabaab ee Villa Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.