Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay Farmaajo

5-Sano ka dib Farmaajo ayaa maanta banneeyey Madaxtooyadii uu isku dhajinayey, kadib guul daradii ka soo gaartay doorashada.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya-Munaasabada xil wareejinta hoggaanka dalka ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi
Farmaajo uu si toos ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha cusub ee la doortay 15-kii bishan Xasan Sheekh Maxamuud

Madasha xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, xubno ka tirsan golayaashaa kala duwan ee dowlada iyo saraakiil ciidan.

Farmaajo oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay, in waxyaabaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku wareejiyey ay ka mid yihiin xogta ciidamada gaar ahaan kuwii muddada dheer tababarka  ugu maqnaa dalka Eriteria, oo ah ciidan uu xogtooda qarin jiray Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee dowlada fedralaaka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka uu xilka la wareegay sheegay, inuu dalka dib ugu soo celin doono ciidamada ku maqan Eriteria

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan mudadda uu joogo.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiskiisa madaxtooyada, ayaa laga filayaa inuu dhawaan soo magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub, iyadol madaxweynha ay horyaallaan howlo aad u culus. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.