Xasan Daahir oo idaacada GBC ula wareegay ujeedo qabiil

Muqdisho (Keydmedia) Warar soo ifbaxaya oo ku saleysan qaabkii idaacada GBC ay ula wareegeen Xisbiga ayaa sheegaya in Xasan Daahir uu qaab qabiil ahaan ula wareegay Idaacada iyo Telfishinka GBC.
Warar Keydmedia Online

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe maamulka Idaacada GBC iyo Xasan Daahir Aweys ay kulan qaateen isla markaana uu maamulka ugu gacan haatiyay Mr Aweys in ay si nabad ah ugu soo wareejiyeen idaacada isla markaana ay noqoto mid fulisa danahooda.

Laakiin maamulka ayaa ka dhaga adeegay arinkaasi, taasina waxa ay soo dadajisay in saakay waabarigii  ay ku jarmaadaan ciidamo uu hogaaminayo xasan daahir Xarunta idaacadaasi oo ku taala degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Waxaa la xaqiijiyay in shaqaalaha idaacadaasi lagu amray in ay howshooda wataan isla markaana waxaa magacii Idaacadda laga dhigay Idaacada Islaamiga ee GBC.

GBC waxa ay noqoneysaa idaacadii ugu horeysay ee ay la wareegaan Xisbiga uu Xasan Daahir hogaamiyo waxaana ay tani muujineysaa in ay ka maseersan yihiin idaacadaha tirada badan ee ku hadala Codka Alshbaab ee ka jira gobalada kale duwan ee dalka.

www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.