Madaxweyne Xasan Sh. oo Caawa ku hoyan doona Kismaayo

Kismaayo (KON) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Maantay Booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Caawa ku hoyan doono Magaalada.
Warar Keydmedia Online

Wafdi uu Hogaamiyo Madaxweynaha ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo, waana markii ugu horeysay ee uu Madaxweynahu tago Magaalada Kismaayo.

Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saraakil badan.

Madaxweynaha ayaa si heer sare ah looga soo dhaweeyay Magaalada, waxaana la sheegay in uu Kismaayo u tagay sidii uu ula kulmi lahaa Shacabka reer Kismaayo, iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Afhayeenka Madaxtooyada Eng Yariisow ayaa sheegay in Safarka madaxweynaha uu qeyb ka yahay Safarradii uu ku tagayay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Ciidamo badan iyo Saraakiil ayaa Shalay Galab gaaray Magaalada, waxaana la adkeeyay Ammaanka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba ayaa 21-kii bishan ku heshiiyay in wajiga koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu qabto magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.