KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay Xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Weeraro Magaalada Muqdisho ka dhacay Bishii May ee la soo dhaafay.
Xasan Sheekh ayaa waxaa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka Codsaday in ay Joojiyaan Mooshinka ay ka soo gudbiyaan Madaxda dalka Soomaaliya, taas oo keeni karta, siduu yiri "Dib u dhac dalka ku yimaada" - "Aanan dib isku dhigin".
Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dhaliil ay Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ay u jeediyeen oo ahaa in uu ku Fashilmay Sugidda Amaanka Dalka iyo Hogaanka Dowladdanimo, waxaana uu sheegay in Dhaliilahaas uu qaadanayo oo uu isbadal la keeni doono.
“Waxaan garwaaqsaday in soo jeedintaas ay ku saleysan tahay cabsi laga qabo inuu hirgeli waayo isbedel dhab ah oo suurogelin kara in la gaaro xasillooni, dowlad-wanaag iyo doorashooyin dhaca. Anigana anigoo garwaaqsanaya cabsiyahaas jiri kara, waxaana qaatay in mas’uuliyadda arrintaas aan dusha ka saaro cid kale oo aan qaato maadaama aan ahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.
Markuu intaas yiri, waxaa u sacab-tumeen oo u istaageen Xildhibaannadii dhaliili jiray.
Khudbadda Madaxweynaha oo Dheereed ayaa waxaa sidoo kale uu dhaleeceen dusha uga tuuray Xildhibaanadda qaar oo uu sheegay in si Qabiilnimo ay ku jirto ay uga hadleen Dagaalka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu "Shacabka Soomaaliyeed oo dareenka leh" ay iska iloobaan wixii xumaan ah ee lasoo maray, horeyna fiiriyaan oo ay iska wada-kaashadaan ballaarinta horumarka hadda la gaaray.
Sidoo kale Khudbada Madaxweynaha uu Baarlamaanka ka horjeediyey ayaa waxaa Goobjoog ahaa Raisul Wasaare Cabdiweli Sheikh.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.