Xasan Sheekh: “Caqabado badan ayaa jira”

Muqdisho (KON) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay guddi ka wada socda QM iyo Midowga Africa oo howshoodu tahay inay qiimeyn ku sameeyaan sidii ciidamo QM ka socda oo nabad illaalin ah Soomaaliya loo keeni lahaa.
Warar Keydmedia Online

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyey Wasiirka Gaashandhiga, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, iyo la taliyeyaasha Xafiiska Madaxweynaha. Dhanka kale Wafdiga labada dhinac ka socda waxaa ku wehliyey kulanka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM.

Walid Musse oo u hadlay guddiga labada dhinac ah ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha oo sheegey in guddigu ay booqan doonaan gobollada Bay, Kismaayo, Beledweyne iyo Jowhar si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan horumarka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, caqabadaha jira iyo sidii Qaramada Midoobey ay saacidi lahaayeen ciidanka Soomaaliyeed oo loogu heli lahaa tasiilaadkii ay ku howlgali lahaayeen. Walid Musse ayaa sheegey in Golaha Ammaanka ee QM uu ka sugayo warbixin ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya si ciidamo nabad-illaalin ah oo ka socda QM loo keeni lahaa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa dadaalkooda ku wajahan sidii Soomaaliya ay u nqon laheyd waddan nabad ah oo deggen. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan soo dhoweyneynaa wadatashiyada joogtada ah ee QM iyo Midowga Africa ay la yeelanayaan Dowladda Soomaaliya, Dowladdana waxay diyaar idiin la tahay sidii aad howlaha aad u timaadeen aad u gudan laheydeen. Kooxaha Al-Shabaab wallow laga adkaaday haddana weli waxey qatar ku yihiin ammaanka dalka oo ay doonayaan inay caalamka tusaan in dalku uusan nabad aheyn. Sidoo kale ciidanka Dowladdu waa diyaar oo tababar ku filan wey qaateen, laakin caqabado badan ayaa jira sida tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay ku howlgali lahaayeen iyo xaquuqdooda aasaasiga ah. Dowladdu wey soo dhoweyneysaa qorshaha QM ee ah in la taageero ciidanka Dowladda si ay u gutaan howlahooda muhiimka ah.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay horumarka ballaaran oo ay dowladdu sameysey isla markaana sheegey in Midowga Africa ay marwalba garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Muqdisho, Keydmedia Online | Warsaxaafadeed Xafiiska Madaxweynaha

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.