Xasan Shiikh oo la kulmay John Kerry // Yusra Abraar oo la socotay Wafdiga M/weynaha

Washington (KON) - Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa magaalada Washington kula kulmay xoghaya Arimaha Dibada Maraykanka John Kerry iyo Mas'uuliyiin kale.
Warar Keydmedia Online

Xasan Sheekh iyo Kerry ayaa ka wada hadlay arimaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amaanka iyo dhaqaalaha. Wuxuuna John Kerry ku bogaadiyay madaxweyne Xasan Shiikh waxqabadka iyo horumarka uu u horseedayo Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale la kulmay Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka, Chuck Hagel, la-taliyaha amniga Qaranka, Susan Rice, ururka madaxda Koongareeska ee madoow ee loo yaqaan Congressional Black Caucus oo ay isla soo qaadeen Arimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Afrika iyo xildhibaan, Keith Ellison.

“Siyaasada dowladda federaalka waxaa ka mid ah in dib loosoo celiyo xiriirkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka intiisa kale, waana taas tan aan awoodda badan saarayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnaha madaxweynaha ku wehliyay kulammadan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaa iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir.

Waxaa sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha la socday markii ugu horeysay Yusra Abraar oo uu Madaxweynahau ka dhigay Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, kadib markii Dr. Hadliye laga Casilay Xukunka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Qudbad ka jeediyo xarunta Woodrow Wilson Centre.

Keydmedia Online - Xafiiska London

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.