KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kooxda hadda ku xeeran Madaxweyne Xasan oo ay ugu horreeyaan agaasimaga NISA Mahad Salaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Fiqi iyo Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Bukhaari waxa ay Farmaajo ku dhaliil jireen tacsi la’aanta, hayeeshee, iyaga hadda lagama haayo.
MUQDISHO, Soomaaliya – Shantii sano ee la soo dhaafay dadka Soomaaliyeed waxa ay Farmaajo ku dhaliili jireen inuu dhuunto xilliyada adag ee qaraxyada iyo xiisadaha siyaasadeed aloosan yihiin, isla-markaana uusan ka tacsiyeyn dhibaatada shacabka gaarta.
Sida muuqata hoggaanka Dowladda cusub ayaa doortay in ay jidkaas dhimrin la’aanta ah qaadaan, MW Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Xamse Cabdi Barre ilaa hadda kama hadlin, kama tacsiyeyn weerarkii bahalnimo ee Al-Shabaab habeen ka hor ku qaadeen Hayat Hotel
Xilliyada adag shacabku uma baahna in hoggaanku dhuunto (aamuso) ee waa in Madaxdu dadka hor yimaadaan, masuuliyadda qaataan, shaqsiyaadka dayacaadda amni keenayna la xisaabtamaan, si muraalka muwaadiniinta ee gubanaya loo qaboojiyo.
In ka badan dhimashada 20 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 120 qofood ayuu sababay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Hayat Hotel, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan, taasoo ka dhigan khasaarihii ugu xoogganaa tan iyo doorashadii MW Xasan.
Kooxda hadda ku xeeran Madaxweyne Xasan oo ay ugu horreeyaan agaasimaga NISA Mahad Salaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Fiqi iyo Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Bukhaari waxa ay Farmaajo ku dhaliil jireen tacsi la’aanta, hayeeshee, iyaga hadda lagama haayo.
Sida uu Keydmedia Online u sheegay mid ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay Ciidankii Badbaado Qaran ee masuulka ka ahaa in dalka doorasho ka dhacdo, dhaqamadii ay dadku Farmaajo ka diideen Xasan iyo Kooxda ku xeeran lagama aqbali karo.
“Farmaajo wixii aan ka diidnay Xasan kama yeeleno, Dowladda cusub waa in ay ka fogaataa in ay boogihii Farmaajo ka tagay sii danqiso, Xasan wax badan ay Soomaali oo dhan gaar ahaan reer Muqdisho ka filayaan”, ayuu yiri sarkaalkaan oo diiday in aan magaciisa xusno.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.