Xeer ilaalinta oo u yeertay Saraakiil uu ka mid yahay Fahad Yaasiin

Ehellada Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Xeer ilaalinta ka dalbaday in gabadhooda ay caddaalad u raadiyaan, iyaga oo faramuuqaday Fahad Yaasiin, Cabdullaahi Kulane iyo Yaasiin Fareey oo ay ku tuhmayaan kiiska gabadhooda.

Warar Keydmedia Online
Xeer ilaalinta oo u yeertay Saraakiil uu ka mid yahay Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya- Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Qabatay Gal Dacwadeed ka dhan ah Agaasimihii hore ee Hey,adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banadir Yaasiin Farey iyo Abdulaahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha NISA.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Kulane ayaa Gal-dacwadeed ka dhan ah loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

Ehellada Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Xeer ilaalinta ka dalbaday in gabadhooda ay caddaalad u raadiyaan, iyaga oo faramuuqaday Fahad Yaasiin, Cabdullaahi Kulane iyo Yaasiin Fareey oo ay ku tuhmayaan kiiska gabadhooda.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka aqbashay Gal-dacwadeedka, waxayna u yeereen Saraakiisha la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen dilka Ikraan Tahliil.

Warqad ay ugu yeerayaan xubnaha la eedeynayo ayaa waxaa qeyb ka ah, Darawalkii gaariga ku soo qaaday  Ikraan, kaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano Wadno qabad.

Caddaalad u raadinta Ikraan ayaa waxaa hor kacaya Ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo dhawaan faray Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil. Hayeshee lama oga halka ay ku dambeyn doonto caddaalad u raadinteeda oo hadii lagu guuleysto muujineysa in dhagar qabayaashu aysan u dhakan Soomaali weyn.

Halkan hoose ka daalaco warqadda Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay ugu yeertay xubnaha lagu eedeynayo dilka Ikraan.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.