Xeerka Warbaahinta oo lasoo bandhigi doono

Muqdisho (KON) - Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in Dowlada ey dhawaan soo bandhigeyso xeer cusub oo loogu talagalay inay hagto Warbaahinta Dalka.
Warar Keydmedia Online

Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in xeerka cusub uu qeexayo xaqa uu leeyahay Wariyaha Soomaaliyeed iyo kan lagu leeyahay, sidoo kale in uu Wariyaha ilaaliyo anshaxa saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xeerkaas dhawaan la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya "Insha Allah waxaan soo celin doonaa Nidaamkii Warbaahinta iyo Isgaarsiinta Dalka" "Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan dhowrno Nabadgalyada Wariyaha"

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.