Xiisado Dagaal oo ka taagan G/Galgaduud

Ceelbuur (Keydmedia) - Kadib markii Shalay uu dagaal Xooggan oo Khasaaro geestay ku dhexmaray Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaca iyo Kooxda Shabab-Al-Qaacidda Deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa saakay laga soo sheegayaa Xiisado dagaal u dhaxeeya labadaasi dhinac.
Warar Keydmedia Online

Wararka laga helayo Deegaanada Ceel Garweyne iyo Ceel Dhagaabeey oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Duleedyada Degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu sunna ay kawadaan Howlgallo iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay kaga hortagayaan Weeraro Kooxda Al shabab ay kusoo qaadeen Deegaanadaasi oo Shalay lagala wareegay.

Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ka hortagi doonaan Duulaan kasta oo Kooxda Al shabab uga yimaada,isagoo intaasi ku daray in ay ka warhayaan Abaabul dagaal oo Al shabab kawadaan Degaanno ka tirsan Gobolka Galgadud.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Horjoogoyaasha Kooxda Al shabab oo ku aadan Xiisadahan dagaalka ah ee ka jira Gobolka Galgaduud.

Degmadda Ceelbuur ayaa waxaa ay kamid ahayd Goobaha laga faramaroojiyay dhowaan Kooxda Al shabab kadib markii ay la kulmeen Culusyo militeri oo kaga yimid dhinacyo badan oo dalka Soomaaliya kamid ah.

Wixii war ah oo kusoo kordha Xiisadahan dagaal kala soco www.Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.