Xiisado ka taagnaa gobalka Shabeelaha Dhexe oo la xaliyay

Muqdisho (KON) Xiisadaan colaadeed ee iminka la xaliyay ayaa dhawaanahan waxa ay ka taagneyd deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe taasi oo udhaxeysay labo beel oo walaalo ah.
Warar Keydmedia Online

Macalin Siciid Ibraahin Cumar oo kamid ah odayaasha deegaanka mareereey iyo lafo Malaay ee xiisada ay ka taagneed ayaa sheegay kahor inta aan la xalin xiisada ay jirtay dagaalo dhexmaray labada beelood.

Wuxuu sheegay in odayaal dhaqameed ka tirsan labada beelood ay kulan yeesheen xiisadaasina dhexgaleen oo iminka la xaliyay deeganadaasina laga dareemayo xasilooni buuxda.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay xiisadi ku dhexmartaa qaar kamid ah beelaha wada halkaasi inkastoo odayaasha dhaqanka ay ku baxaan oo ay durba xaliyaan dhibaatooyinka jira.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.