Xijaar oo laga raacdeeyay xilkii uu hayay [Yaa baddelaya?]

Xijaar, wuxuu qeyb ka noqday, khatarta iyo xasillooni-darrada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka, wuxuuna shaqadii loo igmaday ku bedelay u adeegidda Farmaajo iyo ka shaqeynta arriimo siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Xijaar oo laga raacdeeyay xilkii uu hayay [Yaa baddelaya?]

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar], laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.

Sida ku cad waraaq ka soo baxday, Wasaaradda Amniga, waxaa si KMG ah hoggaanka Ciidanka Booliska usii wadaya Taliye ku xigeenka Ciidanka, Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), kaas oo laga doonayo inuu si gaar ah, uga shaqeeyo amniga doorashooyinka.

Xijaar, waxaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah uu iskugu dayay in uu u hor istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, kadib markii uu Xalay xilli danbe sheegay in aan doorasho dhici karin, xilli uu hore jid-gooyo u dhigtay Guddoonka Golaha.

Xijaar, wuxuu qeyb ka noqday, khatarta iyo xasillooni-darrada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka, wuxuuna shaqadii loo igmaday ku beddelay u adeegidda Farmaajo iyo ka shaqeynta arriimo siyaasadeed.

Xijaar, waxaa lagu eedeeyay inuu Kooxda waqtigu ka dhamaaday, kala shaqeynayo, falal khatar ku ah bad-qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin sar-sare oo xilal muhiim ah ka haya dalka, taas oo ah dambi qaran oo u baahan baaritaan.

Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa lagu amray in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waajibaadkooda u gutaan si dastuuri ah kaliyana ku ekaadaan howlaha amni ee loo igmaday.

Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka, Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha iyo xildhabaanada oo dhan, ayaa lagu wargaliyay in ay u madax-bannaan yihiin goorta iyo goobta qabashada doorashada Guddoonka Aqalka hoose.

Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa dadaal xooggan ku bixinaya in aysan qabsoomin doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, waxayana wadaan abaabul durba sababay kala jab ciidan, xilli maanta loo ballansan yahay soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka.

RW Rooble, ayaa ciidanka nabad ilaalinta ATMIS, ku amray in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga, Xarunta Ciidanka Cirka, [Afisyooni], halkaas oo hangar loo qorsheeyay in lagu qabto dhamaan doorashooyinka kuraasta sar-sare ee dalka.

RW Rooble, ayaa ciidanka nabad ilaalinta ATMIS, u sheegay in ay la shaqayn doonaan Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka ku meel gaarka ah ee Aqalka hoose.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.