Xijaar xeer iyo sharci midna ma dhowro [Amar diiddo]

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa Taliyaha Booliska, ku eedeeyay inuu meel iska dhigay ka shaqeynta howlaha amniga, una tallaabay far-galinta arrimo siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Xijaar xeer iyo sharci midna ma dhowro [Amar diiddo]

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa shalay is hor istaag bareer ah ku sameeyay dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacbka ee laga soo doortay Ceel-waaq, isagoo u adeegaya Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo caqabad ku ah dhameystirka doorashooyinka dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Xijaar, ka tallaabay waajibaadkiisii, una istaagay ka shaqeynta arrimo siyaasadeed oo aan shaqadiisa ahayn, si ku tala-gal ahna shalay u diiday in Guddoonka Golaha Shacabku, howlo shaqo ku qabsado teendhada Afisyooni oo loo wareejiyay kulamada Golaha.

Wasiir Cabdullaahi, wuxuu xusay in Cabdi Xasan Xijaar, diiday amar uu isagu siiyay, kaasoo ahaa inuu ciidanka ka hor qaado teendhada, isla-markaana joojiyo arrimaha siyaasadeed ee uu faraha la galay, kiliyana ku ekaado sugidda amniga doorashooyinka, hayeeshee, Xijaar ayaa sii kordhiyay Ciidankii uu markii hore geeyay xarunta.

“Waxaan meesha ugu tagay ciidan uu Xijaar geeyay, oo ka shaqeynaya arrimo siyasadeed, wuxaa ku maray inuu ciidamada hoolka ka saaro, una oggolaado Guddoonka shaqadiisa, wuuna ka dhago adeegay inuu amarka fuliyo, wuu ogyahy wuxuu ka shaqeynayo in ay qalad yihiin laakiin wuu u bareeyay” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Xijaar, wuxuu qeyb ka ahaa Kooxda Farmaajo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, wuxuuse is-gaabiyay, markii ay bartamihii April 2021 caasimadda soo galeen Ciidamadii Badbaado Qaran ee ka soo hor jeeday muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay, wuxuu qeyb ka ahaa dhamaan mushkiladihii amni ee Farmaajo maleegay.

Xijaar, wuxuu Farmaajo si dhow ugala shaqeeyay qorshihii dhamaadkii sanadkii hore la doonayay in lagu burburiyo Xukuumadda, laguna duulo xaafiiska iyo hoyga Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ugu danneyn fashilmay markii ay kala jabeen ciidanka Madaxtooyada, qoryahana iskula baxeen ilaalada xaafiisyada Farmaajo iyo Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, oo masuul ka ah, amniga dalka iyo hoggaanka doorashooyinka, ayaa uga digay taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Nabad Sugidda  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.