KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Bashiri Goobe ayaa horey usoo nqoday taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha NISA iyo maareeyaha Wakaalada dhismaha.
MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegta kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu shaaciyay in Bashiir Goobe loo magacaabey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud.
Tani waxay qeyb ka tahay heshiiskii Rooble iyo Farmaajo wada galeen, kaasoo meesha looga saarey khilaaf mudo bilooyin ah ka dhex-taagnaa labada mas'uul ee ugu sareeya dowladda.
Bashiri Goobe ayaa horey usoo nqoday taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha NISA iyo maareeyaha Wakaalada dhismaha.
Bashiri Goobe ayaa laga qaadey xilka ku-simaha agaasimaha NISA, oo loo daayay Yaasiin Farey inuu sii ahaado, waxaana dalabkan watay Farmaajo oo ku guuleystay inay shaqeyso magacaabistiisa.
Farmaajo ayaa hadda laga sugayaa inuu soo magacaabo hogaanka NISA, oo ah hay'adda sirdoonka uu sida shaqsiga u isticmaalayay mudadii afarta sano iyo bilooyin uu xafiiska joogo.
NISA ayaa ah meesha laga qorsheeyo dilalka siyaasadeed ee ka dhacayay Muqdisho, iyo weerarada mucaaradka lagu qaadayay, waxaana taalla xogta Farmaajo ee dembiyada uu geystay.
Waxaa kamid ah dilkii Ikraan Tahliil, oo hogaanka NISA ay fuliyeen, sida ay qoyskeeda ku eedeeyeen. Fahad, Yasin Farey iyo Kulane Jiis ayaa ku socda baaritaan, inkastoo aan la ogeyn in Maxkamad lasoo taagi doono.
Farmaajo wuxuu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay sidii aysan gacantiisa uga bixi lahayn NISA, oo wali Fahad Yasin dusha ka maamulo, iyadoo xilka agaasimaha uu Rooble ka qaaday.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.