Xildhibaan: Farmaajo wuxuu u xuubsiibtay kaligii taliye

Shacabkii doorashadiisii u banaanbaxay ayuu Maanta qoriga caaradiisa u adeegsanayaan inuu ku caburiyo oo dhiigooda u daadiyo kursiga.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan: Farmaajo wuxuu u xuubsiibtay kaligii taliye

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo katirsan Gollaha Shacaba ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu waqtiga ka dhamaadey uu u xuubsiibtay kaligii taliye dhiigga shacabka daadinaya.

"Dadka shacabka ah ee shalay ay ciidamada Boolisku ku dileen Muqdisho waxaa ay cadayn u tahay in Madaxweynaha waqtigiisu sii idlaanayo ⁦u xuubsiibtay kaligii talis (dictator)," ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi.

Waxuu Xildhibaanka xasuusiyay Farmaajo in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu caburin karin Ciidan iyo qori, oo ay sii wadi doonaan kacdoonka ay uga soo horjeedaan boobka doorashadda iyo dagaal hurinta uu wado Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo iyo cadaadis xooggan oo mucaaradka iyo shacabka uga imaanaya kadib markii uu diiday inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo loo wada dhan yahay taasoo ku dhacda waqtigeeda.

Dad shacab ah oo si nabad ah ku banaanaxayay ayay Ciidanka DF ku laayeen shalay waqooyiga Muqdisho, waxaana la xiray dhowr qof oo guryahooda loogu galay, iyadoo taasi caddeynayso kaligii-talisnimada lagu eedeeyay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.