KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa wali taagan muranka ka jira xudduudaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana maanta mar kale dib u qarxay dood xooggan oo ka dhalatay booqasho uu guddomiyaha Gobolka Banaadir ku tagay degaanka Jaziira.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar, oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka hoose ee dhamaadkii sanadkii hore mudadu ka dhamaatay, lagana soo doorto degannada maamulka Koofur galbeed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay booqashadii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, uu maanta ku tagay degaanka Jaziira.
Degaanka oo dhaca duuleedka Muqdisho, waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa, isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo koox maleeshiyo ah oo is aruursaday, waxaana ugu danbeyn saakay gaaray, Duqa Muqdisho oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Milatiriga Soomaaliya.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar, oo u muuqda inuu caro ka qaaday booqshada Cumar Finish ee Jaziira, ayaa sheeegay gudduumiyaha Gobolka Banaadir uu ku xad-gudbay degaanka Jaziira oo ka tirsan Shabeelada hoose oo ka mid ah saddexda Gobal ee maamulka Koofur galbeed.
Xildhibaan Idiris, wuxuu guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ugu baaqay inuu ka jawaabo, gacan-togaaleynta Finish, wuxuuna ku gooddiyay haddii Cadulqaadir Siidii uu arrintaan ka hadlli waayo laga xayuubin doono xilka uu hayo.
“Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada hoose Cadulqaadir Siidii, Fadlan Cumur Finsh Jawaab sii, waayo waxuu ku xad gudbey degaanka Jaziira oo Shabeelada hoose kamid ah, Haddii kale xilkaadaa luminaysaa, nin walba ninkiisuu lahadlaa, Calaacal waa naga dhamaadey.” Ayuu yiri Idiris Cabdi Dhaktar.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.