Shirkii Baarlamaanka Carabta

Muqdisho (KON) Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kusoo dhamaaday shir ay isugu yimaadeen Baarlamaanada dalalka Carabta kaasi oo Soomaaliya uga qeybgalay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Markii uu soo dhamaaday shirkaasi ayaa xildhibaan Dalxa wuxuu ka hadlay qodobadii quseeyay Shirkaasi ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Dalxa in shirkaasi qodobada kasoo baxay ee quseeya Soomaaliya ay ka mid tahay in la furo Machad sare loogu qaadayo aqoonta xildhibaanada, in mucaawino lasiiyo dadka taagta daran sidoo kalana shaqooyin loo abuuro balse dowladda ayuu sheegay in dabagalka arrintaasi looga baahan yahay.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa dhanka kale sheegay in shirkaasi ay ku codsadeen in lasii daayo maxaabiista ku xiran dalalka Carabta gaar ahaan dalalka Cuman, Yemen iyo Liibiya oo xubno ka socday ay la kulmeen taasi oo uu sheegay xildhibaanka in laga aqbalay.

Shirka Baarlamanka Carabta waxaa sidoo kale arrimaha lagu soo hadal qaaday ka mid ahaa marka laga tago Soomaaliya dhibaatooyin ka taagan dalalka ka tirsan Carabta iyo sidii wax looga qaban lahaa oo ay ugu horeeyaan Siiriya iyo Liibiya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.