KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhiuurida Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay san marin wadii qooyinka nabada taas ay sababtay in amanka wax laga qoban waayo oo dilal qorsheesan ay ka dhacaan Magalada Muqdisho habeen kasta.
“Ciidamada Dowladda dadaal badan ayey hayaan, amaankana ma sugna waayoo Al Shabaab ayaa Dhalinyar badan marin habaabiyay in dhalinyaradaasi wacyi gelin loo sameeyona waxaa ay u baahantahay waqti dheere”
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade asigoo la hadlaya Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in musuq maasuq uu ka dhexjiro Wasaarada Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya laguna sameeyay Ciidanka Qaranka Soomaaliya si amaanka ay u xaqiijiyaan hase ahaatee waxaa uu sheegay in hadii mar musuq maasuq uu jiro aan la sugi karin amaanka Magaalada Muqdisho Ciidamada Dowladdana ay u baahan yihiin in la tayeeyo.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.