XIldhibaanad Caasho C/lle “Xukuumado wey dhaceysaa hadaanay baarlamaanka iman”

Muqdisho(keydmedia) Xilhibaanada caasha Axmed C/lle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee sida weyn isha ugu haya dhaq dhaqaaqa xukuumada ayaa daboolka ka qaaday in hadii aanay xukuumada hor iman Baarlamaanka ay dhici doonto
Warar Keydmedia Online

“Haday ka maagto hor imaashaha baarlamaanka si caadi ah ayeey u dhaceysaa xukuumada, waxaana ku baaqeynaa in ay timaado si kalsoonida loo siiyo ama loogu diido” sidaa waxaa tiri Xildhibaanada Caasha C/lle oo saxaafadda la hadashay.

Xildhibaanada caasho waxa ay ka mid tahay xildhibaano ka tirsanaa Baarllamaanka oo kol hore ku baaqay in la xisaabiyo xukuumada si loola socda miisaaniyada maaliyada halka ay martay, laakiin mooshinkaasi ayaa meesha ka baxay kadib markii uu gudoomiyaha Baarlamaanka noqday wasiirkii hore ee maaliyada shariif xasan oo dadka ugu horeeya ee in la xisaabiyo la rabay.

Dhanka kale wasaa manta mar kale dib u dhac uu ku yimid fadhigii baarlamaanka iyadoona dhanka kale wali ay sii socdaan shirarkii gaar gaarka ah ee lagu kala xodxodanayo xildhibaanada baarlamaanka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.