Xildhibaanada Beesha Hawiye oo ka shiray magacaabis la’aanta RW cusub

Xildhibaanada qaar iyo siyaasiyiinta Beesha Hawiye oo kulan ka yeeshay magacaabis la'aanta Ra'iisul Wasaaraha ayaa isla qaatay aragti mideysan oo ku aadan tallaabada loo baahanyahay in la qaado.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanada Beesha Hawiye oo ka shiray magacaabis la’aanta RW cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar ka tirsan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ku metela Beesha Hawiye iyo siyaasiyiin ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay magacaabis la'aanta Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka iyo waxyaabaha hor taagan.

Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho ayaa lagu lafa guray qorshaha madaxweyne Farmaajo ee magacaabis la'aanta Ra'iisul Wasaaraha, iyo mudda ay qaadatay, iyadoona arintaan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada qaar ay shaki weyn ka muujiyeen.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa isla qaatay in aragti mideysan laga qaato qorsha madaxweyne Farmaajo iyo damaciisa ku aadan arinta muddo kororsiga, taasoo lala xiriirinayo magacaabis la'aanta Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Kursiga Ra'iisul Wasaaraha oo ah boos ka maqan saamiga Beesha Hawiye ee siyaasadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la isla gartay in go'aan laga qaadan doono haddii Madaxweynaha maalmahaan soo socdo magacaabi waayo Ra'iisul Wasaaraha.

Siyaasiyiintaan iyo xildhibaanadaan ayaa ka shaki qabo in Madaxweynaha iska Indha tirayo magacaabis la'aanta Ra'iisul Wasaaraha, islamarkaana doonayo in muddada xilkiisa uga hartay uu Kursiga ugu dhameeyo sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha ee Mahdi Maxamed Khadar.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeynaa in uu jebiyay dastuur soo jireen ah, kaasoo ahaa in Raiisul Wasaaraha lagu soo magacaabo muddo 30 cesho ah gudahood, madaxdii isaga ka horeysayna ku dhaqmi jireen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.