KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo aan telfoon kula hadlanay ayaa waxa ay noo sheegeen in boqolkiiba in badan ay suurta gal tahay R/wasaaraha la siiyo codka kalsoonida iyadoona ay hoosta ka xariiqeen xildhibaanada in qaabka codka kalsoonida lagu qaadayo uu noqon doono fartaag iyadoona meesha laga saaray codki qarsoodiga ahaa.
Hadal heynta sheekada ku aadan kalsooni siinta R/wasaaha ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay aheyd mid si weyn looga hadal hayay Hoteelada ay daganyihiin xildhibaanada Baarlamaanka ee ku yaala Muqdisho
Xildhibaanadii taageersanaa codka Fartaaga ayaa ku wacayay telfoonada xildhibaanadii kale ee doonayay codka qarsoon iyagoo ku foorjeynayay inuu fashilmay hankoodi.
Tirada xildhibaanada ee hadda ku sugan Muqdisho ayaa lagu qiyaasay 350 xildhibaan waxaana uu u baahanyahay R.wasaare farmaajo 270 xildhibaan oo haa tiraahda.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.