KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Kooramka Maanta uu ka duwan yahay sidii hore, isagoo ku tilmaamay Xildhibaanada in Madaxweyne jacayl usoo xaadirin, balse mudo kordhin ka dhex arkeen.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Xarunta Villa Hargeysa maanta ka jira kulan xasaasi ah, kaasoo uu hortagayo Madaxweyne Farmaajo Xildibaanada, isagoo jeedin doono Khudbad loo dheg-taagayo, oo suurta-gal tahay inuu ku jiro codsi mudo kordhin ah.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri: Saakay aroortii hore ayaa Kooramka Baarlamaanka buuxsamay, Xildhibaanadan jacayl Madaxweyne uma soo kallihin, ee mudo kordhin miyay ka dhex arkaan".
Mursal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu warbixin ka siin doono Gollaha Shacabka kulankii Dhuusamareeb bishii lasoo dhaafay ku dhexmaray isaga iyo Madaxda Maamullada, kaasoo looga hadlay arrimaha doorashoorin.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in goordhaw Madaxweynaha uu tagay Villa Hargeysa, halkaasi oo kaga sii horeysay Xaliima Yareey oo ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya. [Halkan ka akhri warka].
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.