Xildhibaano kulan qado ah ku qaatay Muqdisho

Muqdisho(Keydmedia) Iyadoo saacadihii la soo dhaafay gudaha Magaalada Muqdisho ay ka soconayeen kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo lagu ay xildhibaanada ku kala taageerayaan Madaxweynaha iyo R.wasaaraha ayaa maanta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan qada ah oo lagu taageerayay R.wasaaraha.
Warar Keydmedia Online

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, wasiiro ay ka mid yihiin C/rashiid, Jangali, Mareeye iyo Khaalid Cumar oo ah wasiiru dowlaha Xafiiska R.wasaaraha, sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa qaar ka mid ah dadka sheeka wadaaga la ah xildhibaanada iyo wasiirada goobta joogay.

Xildhibaanada waxa ay isu imaatinkooda ku sifeeyeen inuu ahaa mid sharciga lagu koryeelayo iyadoona goobta kulanka uu ka dhacay aysan aheyn xaruntii Baarlamaanka in ay ku shiraan loo asteeyay isla markaana ay aheyd Hotel uu shaqsi Soomaaliyeed leeyahay.

Shan Xildhibaan oo ka hadashay goobta isla markaana ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Waqaa, Xaawo Qayaad, Xaaji Muuse Cawl iyo xildhibaan Qulub ayaa dhamaantood waxa ay ku tilmaameen Madaxweyne shariif inuu yahay kan hareer maray sharcigana isla markaana R.wasaaraha uu yahay mid sharci ku taagan.

Xildhibaanada goobta joogay waxa ay ku saxaafadda u sheegeen in tiradooda ay tahay 146 Xildhibaan laakiin xaqiiqda ayaa ah in marka leysu geeyo Xildhibaanada, Korjoogtada, shaqaalihii Hotelka iyo Saxaafadaba aanay tiradooda gaareyn 146 isla markaana haday u bataan ay ahaayeen boqol ruux oo kaliya.

Dadka lafa gura arimaha khilaafaadka isla markaana darsa dhaqanka Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in astaanta ka muuqatay kulankii Hotel Saxafi ee maanta in ay aheyd mid ka mid ah astaamihii uu ku caanbaxay Shariif Xasan Shiikh Aadan Gudoomiyaha Baarlamanka, iyagoo daliishanaya imaashihiisii shalay,iyo dhacdada sida ay isu waafaqeen.

Waxaa arin lala yaabo ah in Xildhibaanada qarashka faraha badan ku bixiyay kulanka qadada in aanay maalin qura damcin ka hadalka dhibaatada dhimasho, dhaawac iyo barakac ee shacabka Soomaaliyeed gaaraysa.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.