KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xilliga rasmiga ah ee ay Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa la shaaciyay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ka hadlayay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka (Somalia Partnership Forum) ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga rasmiga ah ee uu ku egyahay Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Wakiilka ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya uu soo socday muddo, isagoo ka dhawaajiyay in horay ciidamo badan oo kamida kuwa AMISOM ay dalalkooda ku laabteen, waxa uuna intaa raaciyay in sida la qorsheenayo sanadkan billaabanaya ee 2021 loo diyaariyay in laga saaro Soomaaliya ciidamo dheeraad ah kuwaasoo dalalkooda dib loogu celin oono.
Francisco Madeira ayaa sheegay sida la qorsheeyay goobaha ay ka baxaan ciidamada AMISOM waxaa loo diyaariyay oo loo sii tababaray ciidamo Soomaali ah kuwaasoo si rasmi ah ula wareeegi doona goobaha ay banneeyaan ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM
Wakiilku wuxuu si rasmi ah u sheegay in qorshaha sii joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya uu marayo heer gabo-gabo ah, waxa uuna sanadka 2022 ku tilmaamay in gabi ahaanba ay ka bixi doonaan ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM gudaha waddanka Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.