Xisbiga Wadajir oo Hambalyo soo daahday soo diray

Mid kamida Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya oo lagu magacaabo Wadajir ayaa soo diray Hambalyo soo daahday taasoo ku socota Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle

Warar Keydmedia Online
Xisbiga Wadajir oo Hambalyo soo daahday soo diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee kamida Xisbiyada ka diiwaan gashan dalka ayaa soo diray hambalyo soo daahday oo ku socota Madaxweynaha la doortay ee hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku Xigeenkiisa Yuusuf Hagar Daba-Geed.

Doorashada Hirshabeelle ayaa dhacday labo maalin kahor waxaana Guudlaawe iyo Daba-geed loo doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, Xisbiga wada jir ayaana hambalyadan ku daabacay barta ay gaarka u leeyihiin ee Facebook -ga "Xisbiga Wadajir wuxuu hambalyo u dirayaa Mudane Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmad Hagar oo loo doortay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Xisbiga ayaa Guudlaawe kula dardaarmay in uu danta dadka iyo deegaanka Hirshabeelle si dhab ahna u matelo, kuna wajaho dhex dhexaadnimo iyo madaxbanaani Doorashooyinka soo socda ee heer Federaal" ayaa lagu yiri warkan kooban oo ka soo baxay Xisbiga.

Doorashadii Hirshabeelle ayaa horay loo sii shaaciyay taasoo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba la hadal hayay inta aan la dooran, waxaana meesha ka baxday qorshihii lagu doonayay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.