KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mid ka mid ah Saraakiisha Xisbiga oo lagu Magacaabo Shikh Cumar ayaa sheegay in aan gudaha Degmadaasi aan laga dhigi karin aroos aanu maamulka ogeyn, sidoo kale tacsi aanu maamulka lala soo socodsiin.
Waxaa kaloo uu sheegay in gudaha degmada Afgooye aan laga xusi karin maalinta 1 luuliyo oo ah xiligii ay xuriyada uu ka qaatay Dalka Gumeysiga isla markaana ay midoobeen gobalada Dalka ee Waqooyga iyo koonfurta.
Waxaa uu sheegay sarkaalkan in talaabo cad laga qaadi doono cidii u hogaansami weyda arimahaasi ay fareen shacabka Deegaankaasi ku nool.
Ma ahan markii ugu horeysay oo amar ceynkan oo kale ah ay soo saaran waxaana kol hore ay u soo saareen amaro ay ka mid yihiin in wariyaasha deegaankaasi ka howl gala ay bisinka ku bilaabaan warkooda isla markaana aanu tabin karin war aanay iyaga ogolaasha looga heysan.
www.keymedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.