Xog Cusub oo laga helayo Diyaaradii Shalay ku burburtay Beledweyne

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guul dareysatay daminta dab ka kacay Diyaaradda, dab damis la'aan ka jirto magaalada owgeed.

Warar Keydmedia Online
Xog Cusub oo laga helayo Diyaaradii Shalay ku burburtay Beledweyne

Muqdisho, Soomaaliya – Xog cusub ayaa laga helayaa Diyaaraddii shalay ku bur-burtay Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mareeyaha guud ee Diyaaradda kabtan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in shilka diyaaradda uu sababay dameer soo dhex istaagay run-weyga ama dhabaha Diyaaraddaha ku orodaan marka ay soo degayaan.

Kabtanka ayaa sidoo kale sheegay in Diyaaradda dhabaha ka baxday, kadib markii uu duuliyaha isku dayay in Dameerka uu bad baadiyo, taasina ay keentay inay shilka gasho.

Diyaaradaan oo u kireysneyd Qaramada Midoobay ayaa ka soo duushay waddanka Jabuuti, iyadoo sidday gargaar bini'aadanimo oo loogu tala-galay shacabka ay saameyn ku yeelatay fatahaadda gobolka Hiiraan.

Saddex ruux oo diyaaradaan saarnaa ayaa ka bad baaday shilka, balse Diyaaradda oo uu dab qabsaday ayaa waxaa gabi ahaanba gubtay sahaydii iyo gargarkii saarnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.