KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hubkan ayaa Lafta-Gareen doonaya inuu isku difaaco maadaama uu wajahayo cadaadis xooggan oo uga imaanaya Villa Somalia.
BAYDHABO, Soomaaliya - Xog ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaysa in dowladda Itoobiya ay hub culus usoo dirtay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen.
Hubka ayaa laga soo gudbiyay Godey, oo xadka ku taalla, waxaana la geeyay Baydhabo Todobaadkii tagey. Lafta-Gareen ayaa dhistay Ciidamo u gaar ah oo Kursiga ku ilaashanayo.
Hubkan yimid Baydhabo kadib markii Lafta-Gareen lasoo laabtay magaaladda Jigjiga, halkaasoo kula kulmay Madaxweyne Mustafe Cagjar, oo ay sameysteen isbahaysi cusub.
Itoobiya ayaa bedeshay siyaasadeedii ku wajahan Soomaaliya, waxayna billowday inay xiriiro gaar ah la sameysato Maamul Goboleedyada dalka, oo Ciidamo iyo Hub u dirayso.
Arintan ayaa imaanaysa xili xiriirka Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh la sheegay inuu meel hoose marayo, iyadoo Villa Somalia isha ku haysaa dhaq-dhaqaaqa Itoobiya kawado dalka.
Itoobiya ayaa ku furan hadda aag cusub oo dagaal, iyadoo dhinaca xuduuda Soomaaliya ay Al-Shabaab ka weerartay dhowr jeer, waxaana dad badan looga dilay dowlad degaanka.
Al-Shabaab ayaa ka gudbaysa dhinaca Bakool iyo Hiiraan, iyadoo Kooxda weeraradeeda la sheegay inuu la xiriiro muranka webiga Nile, ee u dhaxeeyo dowladaha Itoobiya iyo Masar.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.