Xog la xariirta hantida qoyska MW Kenya oo daaha laga qaaday

Xoggo muhiim ah, waxa ay caddeynayaan in Siyaasiyiinta Soomaalidu, si weyn ugu baraarugeen sanadhii la soo dhaafay (Offshore accounts).

Warar Keydmedia Online
Xog la xariirta hantida qoyska MW Kenya oo daaha laga qaaday

NAIROBI, Kenya - Qoyska Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, oo xukumayay siyaasadda waddankas tan iyo xornimadii, ayaa la ogaaday in ay si qarsoodi ah u lahaayeen shabakad shirkado xeebeed ah, (meelo ka baxsan dalka) muddo tobanaan sano ah, sida ku cad, dukumiintiyada Pandora Papers.

Waraaqaha Pandora, oo gaaraya 12 milyan oo faylal, ayaa ah kuwii abidb ugu badnaa ee nuucoda oo kale ah oo la soo dusiyo, waxaana Kenyatta iyo lix xubnood oo ka tirsan qoyskiisa lala xiriiriyay 13 shirkadood ku leeyihiin dalal shisheeye si ay uga faa'iidaystaan canshuuraha, una qariyaan hantidooda.

Maalgashiga qoyska Kenyatta, ee bannaanka ka ah dalkiisa, oo ay ku jirto shirkad qiimaheedu yahay $30m oo doolar una dhiganta £22m oo Pound, ayaa laga helay boqollaal kun oo bog oo waraaqo maamul ah oo laga helay kaydka 14 shirkadood oo sharci iyo adeeg bixiyayaal ah oo ku yaal Panama iyo British Virgin Islands ( BVI) iyo meelaha kale ee canshuuraha looga dhuunto.

Hantida qarsoodiga ah ee qoyskaan ayaa lagu ogaaday baaritaan, la daabacay Axaddii, oo ay soo saareen Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Wax-baara  (ICIJ), Finance Uncovered, Africa Uncensored iyo ururro kale oo warbaahineed.

Dukumiintiyada waxa ay muujinayaan in shirkad samafal oo loogu magic daray (Varies) lagu aas-aasay sannadkii 2003-dii dalka Panama, iyada oo hooyada Kenyatta, Ngina, oo 88 jir ah, loo aqoonsaday deeq bixiyihii ugu horreeyey, halka hoggaamiyaha Kenya oo ahaa deeq bixiyihii labaad, uu ku qoran yahay inuu shirkadda dhaxli doona geerideeda Ngina, kaddib.

La-taliyayaasha hantida gaarka ah ee UBP ayaa sidoo kale ka caawiyay Mr Kenyatta walaalkiis, Muhoho, inuu aasaaso hay'ad Panama laga dhisay oo la yiraahdo Criselle Foundation sannadkii 2003-dii.

Hay'addaas waxay ka diiwaangashan tahay xafiisyada Alcogal ee Magaalada Panama, waxaana magac ahaan maamula xubnaha guddiga ee ka socda shirkadda sharciga ee Panama.

Ma jirto qiyaas lagu kalsoonaan karo oo ah hantida saxda ah ee reer Kenyatta balse danaha ganacsi ee baaxadda leh ayaa ah gaadiidka, caymiska, hoteelada, beeraha, lahaanshaha dhulka iyo warshadaha.

Sannadkii 2018kii, Kenyatta wuxuu sheegay in hantida qoyskiisa ay dadweynuhu ogyihiin, Madaxweyne ahaanna uu u caddeeyay hantidiisa sida sharcigu farayo, hayeeshee, wali kama uusan hadlin waxa fadeexadda dul-hoganeysa.

Qoyska Kenyatta ayaa dajiyay qorshaha danahooda siyaasadeed iyo ganacsi, intuu talada hayey madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Uhuru aabihiis Jomo. Waxaana lagu eedeeyay inuu xilka u adeegsaday xoolo urursi.

Dukumiintiyada Pandora Papers, ma muujinayaan, wax caddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen hanti dowladeed, marka laga yimaado shirkadohooda qarsoon ee ka baxsan waddanka.

Dukumiintiyada Pandora, waxay shaaca ka qaadeen ku dhawaad 12 milyan oo Fayl, kuwaas oo fashiliyay hantida qarsoon hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada.

Marka laga shidaal warbixintaan, waxa ay Keydmedia Online, fahansan tahay in ay jiraan Madax, Siyaasiyiin iyo Ganacsato, Soomaaliyeed oo leh (Offshore companies), kuwaas oo lacag ay boobeen (Xadeen) ku maalgashtay waddamo kale, iyaga oo aan magacooda isticmaaleyn.

Xoggo muhiim ah, waxa ay caddeynayaan in Siyaasiyiinta Soomaalidu, si weyn ugu baraarugeen sanadhii la soo dhaafay (Offshore accounts).

KON, waxa ay the International Consortium of Investigative Journalists (ICIJ), Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Wax-baara, kala shaqeyneysaa baaritaanka akoonnada qoyska Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.