Cidda dishay iyo sababta loo dilay Ikraan Tahliil

Waxaa sii kordhaya wararka Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, dusha ka saaraya qorshaya khaarijinta Ikraan Tahliil, oo qoyskeedu baadi goobyaan tan iyo 26-kii bishii hore, todobaad kadib wali Dowladda kama aysan hadlin dhacdadaan. 

Warar Keydmedia Online
Cidda dishay iyo sababta loo dilay Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ka mid ah shaqsiyaadda ugu xogta heli og, Baarlamaankii waqtigu ka dhamaaday, ayaa sheegay in qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil ay maleegeen Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, isla-markaana uu fuliyay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo”. Ayuu yiri Xildhibaan Mahad.

Wuxuu xusay in Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, “Waxaa loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!” Ayuu yiri Mahad Salaad.

Wuxuu sheegay in Taliska NISA, qorsheeyeen in la qariyo dilka Ikraan, hasayeeshe markii uu warku bannaanka u soo baxay uu Fahad Yaasiin, xiriir la sameeyay Al-Shabaab, si ay u sheegtaan afduubka iyo dilka dhibanaha, hayeeshee ay ka biya diideen masuuliyiin Ikraan ku heyb ah oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida.

“Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!” Ayuu sidoo kale yiri Xildhibaanku.

Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, oo ka mid ah dadka sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa taliska NISA, ayaa dhawaan sheegay in Fahad Yaasiin, uu masuul ka ahaa dilkii AUN, Ikraan Tahliil Faarax.

Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, ayaa qudhiisu Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan.

Sida ay todobaadkii hore sheegtay Qaali Maxamed oo ah hooyada Ikraan, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Dhawaan ayee aheyd markii Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu raadinayan raqdeeda iyo ruuxeeda muddo ku dhow 25 cisho, uu Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan.

Dr. Xasan oo ah bare ku dhaqan waqooyiga America, ayaa sheegay in Cabdiqani Dhiirane, oo gacan yare u ah Taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin, uu waday gaariga lagu af-duubay Ikraan, 26-kii bishii na weydaaratay ee Juun.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Farmaajo iyo Saaxiibkiis Fahad, ay xalaaleysteen, dhiigga Shacabka iyo ku xad-gudubka sharafta bini’aadamka, waliba ayadoo lagu jiro bisha xurmadda leh ee Dhul-Hijjah.

Wuxuu ka digay in arrinta Ikraan ay sababi karo isku dhacyo iyo aanooyin qabiil, maadaama dhaqanka Soomaalida, waxyaabaha dagaalladu ka curtaan ay ugu horreeyaan gabdha.

Ikraan Tahliil, ayaa hore uga tirsaneyd shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxayna hadda ka mid ahayd howlwaennada NISA, halka ay dhawaan ka soo laabatay aqoon kororsi ay u aadday dalka Ingiriiska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.