Xogta 20 nin oo ajaanib ah oo lagu qabtay Galmudug

Gudoomiyaha degmada Hobyo, Cabdillaahi Axmed Cali Faat, ayaa sheegay in raggani lasoo qabtey xalay saqdii dhexe, isagoo carrabka ku dhuftay in raggani ay ka yimaadeen dhanka magaalada xeebeedka Xaradheere oo ah goob ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Xogta 20 nin oo ajaanib ah oo lagu qabtay Galmudug

HOBYO, Soomaaliya - Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta ku dhigeen 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo laga qabtay meel 60km u jirta degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.

Mas’uuliyiinta Hobyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in nimankaan ajaanibta ah oo u kala dhashay dalalka Pakistan iyo Iran ay muddo gacanta ugu jireen Kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen in ay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen, hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa ka dhacay agagaarka Ceel-Huur.

Gudoomiyaha degmada Hobyo, Cabdillaahi Axmed Cali Faat, ayaa sheegay in raggani lasoo qabtey xalay saqdii dhexe, isagoo carrabka ku dhuftay in raggani ay ka yimaadeen dhanka magaalada xeebeedka Xaradheere oo ah goob ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

“Baaritaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in ay yihiin maxaabiis muddo fog u xirnaa Kooxda Al-Shabaab, ugu dambeyna ay iska soo daayeen, waxeyna ku jiraan gacanta Galmudug”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

“Laamaha ammaanka ayaa wali ku jira baaritaanka raggaan, waxa ayna dowladda Galmudug ku wareejin doontaa ehelladooda marka uu baaritaanka dhammaado oo ay caddaato in ay yihiin maxaabiis u xirnaa Al-Shabaab”. Ayaa lagu sii daray warka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.