Guddiga dib u eegista Dastuurka + Xubnaha Aqalka Sare

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa ansixiyey xubnaha ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Warar Keydmedia Online
Guddiga dib u eegista Dastuurka + Xubnaha Aqalka Sare

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ansaxiyay xubnaha ku matali doona Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka ku-meelgaarka ah, kaasoo tan iyo markii la sameeyay ay ku socotay dib eegis, si uu u noqdo astaan dhameys-tiran oo ka tarjumeysa rabitaanka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Xubnaha matali doona Aqalka odayaasha, ayaa ka kooban shan Xildhibaan, kuwaas oo kala ah, 1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Galmudug - 2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) Jubbaland - 3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Jubbaland -  4. Senator Saalax Axmed Jaamac, -Somaliland, iyo 5. Senator Xasan Xuseen Xaaji, K/galbeed.

Dib-u-eegista Dastuurka, waxaa ku xeeran dhowr waxyaabood oo muhiim ah, sida; hannaanka geeddi socodka doorashooyinka, arrimaha federalka, nidaaminta awood qaybisga, cadaaladda, amniga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, maqaamka magaalada Muqdisho iyo kala-saarista awoodaha iyo dakhliga u dhaxeeya DF & DXDF.

Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah [Aqalka sare & Aqalka hoose] iyo Baarlamaanka dowlad gobolleedyada, Wasaaradda Dastuurka heer Federaal iyo dhiggeeda heer dowlad goboleed, iyo hay’adaho kale ayaa si wadajir ah uga wada shaqeynaya dib u eegista iyagoo wadatashi la sameynaya wax galka bulshada Soomaaliyeed.

Baarlamaankii 9-aad iyo midkii 10-aad, ayaa ku guul dareystay in ay dhameystiraan Dastuurka hayeeshee waxa jira qodbbo ay wax-ka-baddel ku sameeyeen. in Dastuurka la dhameystiro, waa mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee hor yaalla Dowladda uu hoggaamiy Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Baahida loo qabo dhameystirka Dastuurka, waxyaabaha ugu mihiimsan waxaa ka mid ah kala xadeynta awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, oo xilligaan aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo go’aan ka gaarta murannada la xariira dastuurka iyo fasiraaddiisa, taas oo abuurtay firaaq waddanka marar badan.

 KEYDEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.