KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xubnaha Gudiga oo ka koobnaa 15 Qof, ayaa Maanta dib loogu soo celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, kadib markii ay Ahlu Sunna ka hor-istaagtay inay ka degeenn Garoonka Magaalada Guriceel, ee Gobolka Galgaduud.
Maamulka Ahlu Sunna, ayaa ku micneeyay Tallaabada ay ugu diideen Xubnaha Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe Labo Sababood oo kala ah 1- In aan lagu soo wargelin Imaanshahooda, 2- In aysan damaanad qaadi karin Amaankooda inta ay Guriceel ku sugan yihiin.
Maamulka Ahlu Sunna waxa uu sheegay sidoo kale in aysan ku qanacsanayn Gugida dhismihiisa & Maamulka loo dhisayo Gobolada Galgaduud & Mudug oo qeybo kamid ah ay maamulaan.
15-ka Xubnood ee laga soo celiyay Maanta Guriceel waxa ay kamid yihiin 27 Xubnood oo ka kooban Gudi loo xilsaaray inay dhisaan Maamul ay ku midaysan yihiin dhamaan Maamulada & Beelaha degan Gobolada Galgaduud & Mudug.
Waxaana Maamulka KMG ah lagu dhisayaa Mudo 45 Maalmood gudahooda Shir ka furmi doono Magaalada Cadaado, ee Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.