Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xukunno adag lagu riday

Xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa Xukunno kala duwan maanta lagu riday, kadib markii la soo gabagabeeyay dhageysiga dawacwadaha ka dhanka ahaa.

Warar Keydmedia Online
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xukunno adag lagu riday

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxakamadda Ciidamada Qalada Sida, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay, Cabdi Xasan Rooble oo lagu helay danbi ah inuu 20-kii bishii Febaraayo ee sanadkaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay Allaha Unaxariistee Cali Maxamed Xasan [Cali Gaab] oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka.

Sidoo kale Maxakamadduu waxa ay min 15 sano oo xabsi ciidan ah, ku xukuntay Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed, kuwaas oo boolisku qabteen, kadib weerarradii 22-kii Feberaayo ee sanadkaan lagu qaaday saldhigyada Warta-nabadda, Howl-wadaag, Hodan iyo Yaaqshiid.

Dhanka kale, Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee maamul Gobolleedka Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay, Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah.

Maxakkamadda ayaa sheegtay in raggaan ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ku mideysnaayeen shabakad ka dhisan Boosaaso, halkaasoo ay qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliyeen sida uu sheegay Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay go’aanka Makaxamadda.

27 June 2021, ayay Puntland fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku toogtay 18 xubnood, oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay danbiyo dil oo ay dhowr iyo tobankii sano ee na weydaartay ay ku hayeen dadka indhaha u ah bulshasa ku dhaqan Mudug.

Sidoo kale, 8 July 2021, ehellada qaar ka mid ah dhallinyaro uu shalay maamulka Puntland inuu ku xukumay dil toogasho ah ayaa bannaan-bax ay arrinkaas kaga soo hor jeedaan ku dhigay iridda hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna muujiyeen qanaaco la’aan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.