Xubno katirsan Al-Shabaab iyo hub lagu qabtay Muqdisho

Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la furay wadooyinkii xirnaa intooda badan, taasoo ku timid dedaallo ay sameeyeen laamaha amniga dowladda.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, waxaana lagu soo qabtay hub nuucyadiisa kala duwan kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA, oo taageero ka helaya booliska ayaa ka dhacay deegaanka Oodweyne ee degmada Deyniile, waxaana la sheegay in raga la qabtay ay ahaayeen shabakad dilalka qaabilsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.