KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in uusan jirin wax hakad ah oo la Galiyey Dagaalkii lagula jiray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.
C/laahi Goodax ayaa sheegay in aysan Xukumadda la socon Hadalka AMISOM islamarkaana Dagaalada lagula jiro Al-shabaab hada la dardargaliye.
Waxaa uu intaa Raaciyey in Maalmaha soo aadan Deegaanada Al-shabaab ku xoogan yihiin laqaban doono sida Baraawe iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Shabellaha hoose iyo Galgaduud.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii madaxa ugu sareeya AMISOM Alnadiif uu sheegay in wajigii 1aad ee Dagaalka Al-shabaab lagula jiro la hakiyey islamarkaana wajiga 2-aad uu bilaaban doono Saddex Bil kadib.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.