Dowladda “Deg-deg ayaan ula Wareegeeynaa Dekedda iyo Garoonka Kismaayo”

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Bare ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Heshiiskii Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
Warar Keydmedia Online
Dowladda “Deg-deg ayaan ula Wareegeeynaa Dekedda iyo Garoonka Kismaayo”

C/laahi Goodax ayaa sheegay in uu jiro Dib u dhaca ku yimid Heshiiskii Magaalada Addis Ababa lagu gaaray oo ahaa in Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Maamulkeeda lagu Wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Dhawaan la wareegi doonto Maamulka Garoonka iyo Dekedda Kismaayo.

Inkastoo Siyaasiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan oo la hadlay Keydmedia Online ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay Hilmaantay Heshiiskii Addis Ababa ayaa waxaan muuqan Qorshe Dowladda ay kula wareegi karto Goaroonka iyo Dekedda Kismaayo.

Dhanka kale Horjoogaha  Axmed Madoobe ugu Magacaaban Wasiirka Warfaafinta Ibraahin Baajuuni ayaa hore u sheegay in Heshiiskaas ay Dowladda Soomaaliya uga baxeen, hadii aysan Maleeshiyada Raas kambooni aan la Qarameen oo aan Qalab Ciidan la siin sida uu sheegay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.