KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiiru dowlaha wasaarad arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya Eng Maxamed Nuur Gacal oo haatan ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa kulamo xiriir ah oo maalmihii la soo dhaafay uu la qaadanayay diblomaasiyiin ugu danbeyntii waxaa dhacday in qunsuliyada magaalada Jidah laga wareejiyo qunsulkii hore ee halkaasi u fadhiyay dowlada ee C/rixmaan Culmiye.
Xilka Qunsuliyada magaalada Jidah ayaa haatan waxaa loo dhiibay Daahir Axmed Weheliye, kaasi oo asna soo dhoweeyay xilka uu la wareegay.
Wasiiru dowlaha wsaaarada Arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya Eng. Maxamed Nuur Gacal oo warbaahinta la hadlaya ayaa wuxuu u mahadceliyay qulsulkii hore iyo qulsulka cusub ee haatan xilka la wareegay.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.