Xukuumada oo kulan la yeelanaysa Culimada / Maxay kawada hadlayaan?

Muqdisho (KON) - Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in culimada Soomaaliyeed ay la yeelan doono kulan looga hadlayo xaalada amaanka ee dalka iyo waliba dilalka loo geesto Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in kulanka Culimada iyo waliba xukuumada uu yahay mid Muhiim ah.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaan uu noqon doono mid looga arinsanayo xaalada dalka iyo waliba sida looga hortagi karo dhibaatooyinka loo geesto Culimada iyo dadka Muhiimka u ah Bulshada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili magaalada Garowe lagu toogtay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamay oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.