Xukuumadda oo heshay codka kalsoonida

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay Golaha wasiirada uu dhowaan magacaabay Ra'isul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda oo heshay codka kalsoonida

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada, kulan dhawaan soo idlaaday oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa, kaasoo uu goob-joog ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada iyo barnaamijka Xukuumaddaba waxaa ‘HAA’ ku ogolaatay 229-xildhibaan, todobo xildhibaan ayaa diidday, halka uu hal Xildhibaanna ka aamusay, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaana ku dhawaaqay in Xukuumaddu ansax tahay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha Golaha Wasiirada ee codka kalsoonida ka helay mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, todobo Xildhibaan oo intooda badan laga soo doorto Koofur Galbeed, una badan dhallinyaro ay Fahad iyo Laftagareen ku dareen Baarlamaanka ayaa buuq ka dhex kiciyay xarunta Baarlamaanka iyagoo gacan-qaad ku sameeyay guddoonka Golaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad kooban u jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay kalsooni siinta Xukuumadda, isagoo balan qaaday in Xukuumaddiisa ay diiradda saari doonta arrimaha hortabinta u baahan.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in waddanku yeeshay Xukuumad rasmi ah, maadaama Xukuumaddii hore muddo ahayd xil-gaarsiin, waxaana dib u billaaban doona howlo muhiim ah oo u xirnaa dhismaha xukuumad sal-fadhisa oo aan ku meel gaar ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.