Xulka Soomaaliya oo ku qeyb noqday waddamo adag

Nairobi (Keydmedia) - Xulka Qaranka Kubadacagta Soomaaliya ayaa ku qeyb noqday xulalka waaweyn ee Bariga Bartamaha Africa ee Uganda, Burundi, Zanzibar, kaddib markii maanta magaaladda Darasalam ee wadankA Tanzania lagu sameeyay isku aadka koobka qaramadda bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA 2011.
Warar Keydmedia Online

Ciyaarahan oo 25-ka bishan ka billaaban doona wadanka Tanzania ayaa xulka Soomaaliya wuxuu nasiib u helay inuu ka mid noqdo xulalka Group B, waxaana la filayaa in isku aadka maalmaha iyo taariikhda ay ciyaarayaan guud ahaan xulalka Bariga iyo Bartamaha Africa la soo saaro maalmaha soo socda.
 
Xulka Soomaaliya ayaa xilligan ku sugan wadanka Jabuuti, halkaas oo maalinta Sabtida ah ee soo socota uu kula ciyaari doono wadanka Ethiopia kulanka hore ee is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadda 2014 ka dhacaya wadanka Brazil, waxaana ciyaartooyda Soomaaliya ay ku jiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay.
 
Qeybta A ee tartanka CECAFA waxaa sidoo kale ku wada jira xulka koobka difaacanaya ee Tanzania iyo dalalka Jabuuti, Rwanda iyo Ethiopia, halka qeybta C ay ku wada jiraan wadamada Kenya, Sudan, Malawi iyo Eritrea.
 
Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.