KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxay ahayd maalin murugo, maalin ay taabatay qof walba oo Soomaali ah, horey taariikhda qaraxa xajmigiisa iyo khasaarihiisa intaan la eg dalka uguma dhicin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya waxay xuseysaa maalintoo madoobeyd 14-ka October, iyadoo Maanta ku beegan tahay sanad-guradii 4aad ee kasoo wareegatay qaraxii Zoobe.
Qaraxa wuxuu ka dhacay Sabti xili galab ah 3pm oo mashquul badan ka jiray Isgoyska. Gaari xamuul ah oo lasoo erynayay, islamarkaana ka yimid dhanka Ex-control Afgooye ayuu ahaa.
Daqaad ayay wax walxa isku bedeleen, iyadoo wixii baabuur ahaa oo jidka taagnaa, dadkii wadada hareeraheeda marayay, kuwii ku jiray goobaha Ganacsiga ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay. In badan oo kamid ah dadkaas nolol iyo geeri laguma hayo.
Qaraxan wuxuu noqday midkii ugu weynaa oo caalamka ka dhaca tan iyo weerarkii Mareykanka 9/11, marka la eego qasaaraha. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay, balse Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay. Sanad walba maanta oo kale ayaa la xusa musiibaddan, laakiin dowladda cashar kama baran dhacdadan.
Marka aad mareysid Zoobe wali waxay indhahaagu qabanayaan dhaawacyadii Qaraxa, guryo burbursan oo aan wali dib loo dhisin iyo god weyn oo goobta ka qodmay oo ah meeshi Gaariga ku qarxay. Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad leh adkays marka dhibaatooyinka dhacaan. Jidka Zoobe hareerihiisa wali ganacsi baa ka socda, mashquulna wuxuu ka jiraa.
Nolosha ma ahan mid joogsanaysa iyadoo Xamar ay ka dhaceen qaraxyo dad badan galaaftay, waxaana islamarkiiba dib loo dhisay goobihii la weeraray oo ganacsi ki ka fiican lagu hayaa.
Qarixii Zoobe dadka ku dhintay illaa hadda si rasmi ah looma oga, laakiin waxaa lagu qiyaasaa 578-1,000, iyadoo dhaawaca boqolaal gaarayo. 4 sano kadib, amniga waxba iskama bedelin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.