KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka ayaa xafiiska joogey mudo hal sano ah, waxaana xilka qaadistiisa timid wax yar kadib markii uu bixiyay wareysi.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed C/risaaq Maxamuud, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Maanta xilka laga qaadey, isagoo lagu bedelay nin kaloo Majeerteen ah oo kamid ah garbaha Farmaajo.
Rooble oo fulinaya amarka Farmaajo ayaa xilka ka qaadey Wasiirka, isagoo magacaabey la-taliyihii amniga Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey Cabdi-Saciid Muuse Cali, kaasoo Madaxweyne kasta oo darood ah tan iyo C/llaahi Yuusuf xilka la-taliyaha loo dhiibayay.
Xog hoose oo Keydmedia heshay waxay sheegaysaa in sababta keentay in Farmaajo usoo jeediyo Rooble inuu xilka ka qaado Wasiir Maxamed C/risaaq ay ahayd inuu dibada ka wadey olole doorasho, isagoo damacsan inuu isku soo taago xilka Madaxweynaha dalka.
Dhaqaale aruursi Beesha Caalamka ayuu ku jiray Wasiirka, taasoo ka careysiiyay Farmaajo, maadaama uu khatar ku yahay inuu loolan adag la galo doorashadda, islamarkaana ka weeciyo dhaqaalihii dibadda.
Rooble ayaa u muuqda inuu isku dhiibey Farmaajo mar hadii cida uu xilka ka qaadayo, iyo midka uu magacaabayo wasiiradiisa looga soo yeerinayo xafiiska Madaxweynaha.
Cabdi Saciid waxuu Farmaajo ka dhigay bil kahor agaasimaha Villa Somalia, kadib markii xilkiisa la-taliyaha amniga isaga loo dhiibay, si uu uga baxsado kiiska dilka Ikraan Tahliil.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.