Yaa loo saadaalinayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha?

Keynaan, waxa ay isku weel siyaasadeed yihiin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo haddii uu Xasan xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabo Maxamed Keynaan, lumin kara kursiga Madaxweynaha maamulkaas, doorashada soo socota.

Warar Keydmedia Online
Yaa loo saadaalinayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wali laga sugayaa magacaabidda, Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee dalka, xilli ay is gurayaan 30-ka cisho ee Madaxweynaha laga rabo inuu ku magaaabo Ra’iisul Wasaaraha.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah, Maxamed Keynaan, oo Jun 2015 ilaa February 2017, La-taliye sare u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu cadcad ee loo saadaalinayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Keynaan, oo lagu tilmaamo shaqsi aad u firfircoon, ayaa Maarso 2017 ilaa May 2018, soo noqday Madaxa Shaqaalaha – Xafiiska Ra’iisul Wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre, kaasoo hadda ka mid ah siyaasiyiinta MW Xasan ku riixaya inuu xilka u magacaabo Keynaan.

Maxamed, wuxuu sheegtaa inuu aqoon fiican u leeyahay siyaasadda guud ee dalka, isla-markaana uu yahay khabiir horumarineed oo si gaar ah xoogga u saara xasillinta, dowlad-dhisidda, iyo ka hortagga colaadaha iyo inuu leeyahay waayo-aragnimo hoggaamineed.

Keynaan, waxa ay isku weel siyaasadeed yihiin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo haddii uu Xasan xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabo Maxamed Keynaan, lumin kara kursiga Madaxweynaha maamulkaas, doorashada soo socota.

Deni, wuxuu doonayaa in Ra’iisul Wasaaruhu ka yimaado dhanka Puntland, oo uu noqdo shaqsi isaga iyo isimada Maxamuud Saleebaan soo xulaan, halka Xasan Sheekh uu middaas ka fogaanayo, isagoo ku baraarugsan saameynta uu yeelan karo shaqsiga Deni keenay.

Axmed Madoobe, ayaa qudhiisa ka mid ah, shaqsiyaadka aadka saameynta u leh, ee doonaya in qof uu wado laga dhigo Ra’iisul Wasaare, wuxuuna xusul-duub ugu jiraa in shaqsi ka soo jeeda beeshiisa Ogaadeen markii ugu horeysay loo macagaabo xilkaas.

Marka laga qiyaas qaato, xilalka uu ilaa hadda magacaabay Xasan Sheekh, sida Agaasimaha NISA iyo hoggaanka guud ee Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaarahu, wuxuu ka imaan karaa kooxda ku xeeran Madaxweynaha, waana sabab kale oo kordhineysa rajada Keynaan.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.