Yaa Qaadaya Mas’uuliyadda Xasuuqii ka dhacay G. Shabeellaha Hoose?

Kismaayo (KON) - Iyadoo haatan la soo gaba gabeeyay Hawshii Guddiga wadajirka ee loo xil saaray in ay soo baaraan dhacdadii Bishii hore ka dhacday Degaanka Leego ayaa Ciidamada Amisom waxa ay qaateen Mas’uuliyadda Dhimashada Dadkii rayidka ahaa ee ku Dhintay Rasaas ay Rideen Ciidamada Amisom.
Warar Keydmedia Online

Gudigan oo ka koobnaa Mas’uuliyiin Isugu jirtay Soomaali iyo Amisom  ayaa siyaalo kala gooni gooni ah arrintaas uga hadleen.

Taliyaha Ciidamada amisom ee Soomaaliya  Gen . Andero Gutti oo hadlay ayaa sheegay in  Ciidamada amisom  ay qaadanayaan Mas’uuliyadda dadkii ku dhintay Rasaastii ay Rideen Ciidamada amisom isagoona farta ku fiiqay  in sida uu Ogolaanayo Xeerka Dagaal ee caalamka ay Ciidamada amisom  ay rasaastaas ay rideen iyagoo iska difaacaya rasaas ay ku soo ridayeen maldshiyaad ka tirsan al Shabaab.

Jenaraalka oo hadalkiisa sii wata ayaa inttaa ku daray in Mas’uuliyadda Keentay in Rasaaastaas ay dhacdo in ay qaadayaan kooxda al Shabaab kuwaas oo uu ku eedeeyay in Shacabka dhexdiisa ay ka soo rasaaseeyeen.

Ugu danbayntii ayuu Taliyuhu sheegay in ay difaacayeen naftooda isla markaana ay iska dhicinayeen weerar ay ku soo qaadeen maleshiyada kooxda alShabaab.

Xildhibaan daahir jeesow oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Guddigii loo xil saaray baaritaankii arrintaa lagu sameynayay

Xildhibaanka ayaa hal dhinac ku sheegay war bixinta amisom isagoona intaa ku daray in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa amsiom in ay halkaa gaareen kaddibna ay sameeyeen Baaritaan xaqiiqo ku salaysan.

Xildhibaan jeesoow ayaa ku gacan seeyray sheegashada amisom ee sheegaysa I halkaa uu dagaal ka dhacay isagoona hoosta ka xarriiqay in shax la sameeyay iyo war bixino kala duwan oo ay halkaa ka sameeyeen dhamaantoodba  in ay Caddeynayaan inaan dagaal halkaa ka dhicin Ciidamaduna ay si ula kac ah rasaas ugu rideen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Bishii Janaayo ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii rasaas ay rideen Ciidamada amisom ay kudhinteen degaanka leego ee Gobolka Shabeelaha hoose illaa Todoba ruux oo rayid ah oo shan ka mid ah ay ahaayeen Caruur.

Wadanka // Keydmedia Online

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.