KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Yaasiin Fareey ayaa kamid ahaa Kooxdii Fahad Yaasiin uu hogaaminayay ee afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil fulisay, haddana kamid noqday Baarlamaanka 11aad.
MUQDISHO, Soomaaliya - Yaasiin Fareey, oo katirsan Baarlamaanka 11aad, ayaa Maanta su'aal la xiriirta miisaaniyadda dhaqaale ee NISA waydiiyay Wasiir Beyle, xili laga doodayay Miisaaniyadda qaranka, oo ansixinteeda dooda ka taagan tahay.
Wax ka muhiimsan amniga iyo difaaca dalka ma jiraan, maadaama sidaas tahay waxaan rabaa inaan waydiiyo Wasiirka sababta keentay in hoos loo dhigo miisaaniyadda NISA," ayuu yiri Yaasiin Fareey, oo wali u muuqda inuu u doodayo hay'addii uu ka talin jiray, ee hadda Xildhibaanka uga gudbay.
In ka badan hal milyan ayuu sheegay in laga reebay miisaaniyadda NISA sanadkan, iyadoo horey loo siin jiray in ka badan labo milyan oo dollar, maadaama uu Fahad Yaasiin xukumayay.
Miisaaniyadda 2022 ee Beyle soo gudbiyay ayaa gaareysa $918.7 milyan, taasoo ka maqan tahay 193 milyan, oo aan la ogeyn halka ay ka baxdey, taasoo keentay in Beyle Sau'aallo adag laag waydiiyo.
Yaasiin Fareey ayaa kamid ahaa Kooxdii Fahad Yaasiin uu hogaaminayay ee afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil fulisay, haddana kamid noqday Baarlamaanka 11aad.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.