Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida Yaman oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ninkaan oo la qabtay uu yahay Hogaamiye Sare Kooxda Shabaab kana Dagaalami jiray gudaha Soomaaliya.
Hogaamiyahaan Sare oo Nabad Suggida iyo Sirdoonka Mareykankuba in la sheego Magaciisa ayaa waxaa lagu qabtay asagoo ku haajirayay Doon ey saarnaayeen asaga iyo ragg kale oo Shabaab ka tirsan, waxaana laga soo qabtay Xeebaha Yaman gaar ahaan Gobolka Xadramuut.
Horey ayaa Sirdoonka Mareykanku u shaaciyay iney ku dabajiraan soo qabqabashada Kooxaha laga itaal roonaaday ee Shabaab Al-Qaacida.
Waxaa kaloo Xogg Keydmedia Online heshay sheegeysaa in Xasan Daahir Aweys uu ku dhuumaaleysanayo inta u dhaxeysa Barawaawe Baadiyihiisa iyo Sabca Ashraaf, waxaana saas u sheegay KON Dadka Degaanka.
Waayahaan Dambe ayaa Dalka Yaman galeen Maleeshiyo badan oo ka tirsanaa Kooxda Shabaab.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Visit English version







Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.